Qarax xoogan oo maanta bosaaso lagula beegsaday taliyaha ciidanka police-ka degmada Carmo

Wednesday February 07, 2024 - 15:22:10
0 Comments
62
ahmed raajaa
BOOSAASO
Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso kaas oo la sheegay inuu ahaa qarax miino oo khasaare kala duwan gaysatay

Dhawaqa qaraxaas ayaa laga maqlay guud ahaan Boosaaso ayaa sida ay tilmameen illo ku dhaw dhaw, waxaana la la beegsaday gaari uu watay taliyaha ciidanka police-ka degmada Carmo G/sare Axmed Koboc

Taliye axmed Koboc iyo qaar kamid ah ciidankii la socday ayaa ku dhaawacmay, qaraxa ayaa ahàa mid lala beegsaday xilli ay marayeen Ex. Kantarool Boosaaso, waxaana la tilmaamay in miino la kacday gaarigii ay wateen.

I'llo wareedyo ku sugan Boosaaso ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar kamid ah shacabkii wadada marayay dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen, iyadoo qaraxa uu ahaa mid aad u xoogan,dhinaca kale ciidamada amaanka gobolka bari weli ka aysan hadlin qaraxaan.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment