Golaha shacabka oo mar kale ka dooday siyaasadda iyo go'aanada masiiriga ah ee dalka

Wednesday February 07, 2024 - 23:23:17
0 Comments
51
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandihiisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka.

Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamanka JFS oo maanta ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegista Dastuurka KMG oo habraaciisa la ansixiyay, waxayna Xildhibaannadu falanqeeyeen isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilmaamay in la xoojiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka & dhulka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay doodooda arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaqeeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment