Guddoomiye BFS oo Guddoomiyey kulanka guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka

Thursday February 08, 2024 - 19:26:43
0 Comments
43
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Guddoomiyaha ayaa guddiga uga warbixiyay xaalada guud ee dalka gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka ka jiray intii uu ahaa Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya..

Sidoo kale kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka uuna shirguddoomiyey Guddoomiye Aadan  Madoobe ayaa waxaa lagu ajandeeyay kulamada soo socda iyo shuruucda ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment