Madaxweynaha Jubbaland oo shirguddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada

Thursday February 08, 2024 - 19:37:17
0 Comments
48
ahmed raajaa
KISMAAYO
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Ahmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiiradda oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dibu-heshiisiinta ayaa  soo bandhigtay waxyaabahii uga soo qabsoomay safarkii shaqo ee Degmada Dhoobley iyo howlaha horutabinta Wasaaradda ee Saddexda bilood ee soo socda.

Sidoo kale Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee maamulkaas ayaa ka warbixisay xogta wajiga saddexaad ee Barnaamijka Qandaraaska Adeeg bixinta Biyaha oo ay wado Wasaaraddu.

Dhanka kale Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland ayaa ka warbixisay dib u habaynta xiriirka kubada cagta Jubaland iyo dadaalada hormarinta Ciyaaraha.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirrada ee dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa dood ka yeeshay  Xeerka Hindisa sharciyeedka Gudniinka Fircooniga ah oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland.

Related Items


Leave a comment