Haweeney saygeeda oo ciidamada ka tirsanaa dal dashay

Thursday February 08, 2024 - 20:31:09
0 Comments
75
ahmed raajaa
MUQDISHO
Haweeney ayaa duhurnimadii Maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenley ku dishay ninkeeda oo ahaa Askari ka tirsan ciidanka xasilinta caasimada, gaar"ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ee kunool kaamka loo yaqaan Badbaado oo uu falka ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in Ninka ay dishay haweeneyda uu maalmo kahor la aqal galay, iyagoo isqabay oo kaliya saddex maalin.

Haweeneyda ayaa sida la wariyay ninkeeda wax ugu dartay raashinka uu cunayay, kadibna markii uu suuxay qoorta xariga u galisay, kuna ceejisay ilaa inta uu ka dhintay, ninka ayaana awoodi waayay in uu iska bad baadiyo ceejintaas.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Ismaan Maxamred ayaa ka tirsanaa ciidanka xasilinta caasimadda , waxa uuna askariga kamid ahaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay Ninka, isla markaana halkaasi ka qaaday meydka, iyagoona geeyay Xarunta CID-da, sidoo kalena waxaa ay gacanta ku dhigeen haweeneyda falka geysatay.

Related Items


Leave a comment