Dagaal beleed khasaaro geeystay oo ka dhacay degaan ku dhow degmada galdogob

Friday February 09, 2024 - 19:07:01
0 Comments
55
ahmed raajaa
MUDUG
Dagaal xooggan ayaa maanta ayaa maanta ka socda degaano ka tirsan gobolka mudug oo lagu magacaabo Jiic-Boor .
Sida ay sheegayaan illo Wareedyo ku dhow degaankaas ayaa sheegaya in ay halkaas ku dagaallamayaan labo maleeshisho beeleed oo ka soo kala jeeda Galdogob iyo Bandiiradley.

Mashaqada ayaa ku bilowday kadib markii maleeshiyo ka soo jeeda dhinaca Bandiiradley ay af-duubteen haweeney iyo carruur ay dhashay oo ka soo jeeda degmada Galdogob.

Weli si cad looma xaqiijinin tirada dhimasha labada dhinac lakiin dhaawacyo kala gedisan  toban kor u dhaafaya ayaa la keenay isbitaallada galkacyo.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment