Taliska police-ka Puntland oo qabtey ajaabin ka tirsan Daacish

Friday February 09, 2024 - 19:49:19
0 Comments
52
ahmed raajaa
BOSAASO
Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa February 08, 2024 ayaa degaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Horjoogayaal ka tirsan kooxda Argagixisada ISIS/Daacish.

Horjoogayaasha la qabtay ayaa kala ah Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.

6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab kadib hawl-galo laga fuliyey Gobolka Bari, kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada si loo soo afjaro kooxaha khatarta ku ah amniga.

https://t.me/plpoliceforce

- DHAMMAAD -

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND

Related Items


Leave a comment