Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo xalay dhagxaan lagu weeraray deg/xarfo

Saturday February 10, 2024 - 15:13:29
0 Comments
52
ahmed raajaa
XARFO
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Musaadaq Sooma-jeeste, ayaa lagu weeraray degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, halkaasoo isaga iyo wafdigiisa ay u tageen furitaanka kalfadhiga golaha deegaanka ee dhawaan la doortay.

Maxamed ayaa lagu weeraray dhagxuun xalay, xilli uu fadhiyay banaanka hotelka uu daganaa, waxaana dhaawac uu ka soo gaaray afka, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

"Wasiirka dhagxan waawayn ayaa lagu weeraray, afka ayay uga dhaceen, waxaa ka dhacay ilkaha sare iyo kuwa hoose”, ayay tiri mid ka mid ah goob jooga yaal ku sugan degmada Xarfo.

Dhowr qof ayaa loo xiray weerarka wasiirka kuwaasoo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen falkii lagu weeraray wasiirka.
Wafdiga wasiirka ayaa Xarfo u tagay furista kalfadhiga golaha deegaanka oo maanta lagu waday inuu furmo. Khilaaf ka jiray ayaa lala xiriiriyay weerarka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment