Wasiir arimaha gudaha XFS oo gudiga doorashooyinka kala hadlay qorshaha doorasho qof iyo cod ah

Saturday February 10, 2024 - 21:26:38
0 Comments
56
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxa bannaan  ee doorashooyinka qaranka.

Ujeedka shirkan ayaa waxaa uu la xiriiray u kuurgalidda baahiyada xarunta cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, kormeerka hawsha shaqaalaha iyo arrimo kale. Inta uu kulanku socday wasiir Fiqi waxaa uu uga warbixiyay hawlwadeenada guddigu qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidoo kale halka ay marayaan dib u eegista shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.

Uga dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa kula dardaarmey hawlwadeenada in ay u diyaargaroobaan hawlaha baaxadda leh ee qaranka loogu adeegayo iyo in dhowaan la filayo  in guddigii qaran ee doorashooyinka la soo magacaabi doono, dalkuna aadi doono doorasho qof iyo cod ah.

Related Items


Leave a comment