Guddoomiyah Golaha Shacabka oo dowladda Imaaraatka uga tacsiyeeyay geerida saraakiil lagu dilay Muqdisho

Sunday February 11, 2024 - 14:52:52
0 Comments
44
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Isutaga Imaaraatka Carabta  saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

"Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Waxaan dowladda iyo shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta uga tacsiyeynaynaa saraakiishii ku naf waayey falkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa inuu janadiisa hooy uga yeelo, intii uu dhaawac kasoo gaarayna caafimaad sariic ah”.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo tilmaamay in saraakiishaas ay dalkeena u yimaadeen in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, ayaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment