Xildhibaanada labada Aqal ee BFS loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka dastuurka.

Monday February 12, 2024 - 17:23:35
0 Comments
53
ahmed raajaa
MUQDISHO
Kulanka wadajirka ah ee ay yeesheen xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa uu ku furmay 198-xildhibaan waxaana ajendaha kulanka uu ahaa Dib eegista dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaan shir guddoomiyay kulanka 11-aad ee labada gole BJFS, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa loo qeybiyay nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka dastuurka iyo warbixinta la socota,shintiriska ama jadwalka dooda oo ah wakhtiga ay soconeyso dooda la xiriirta arrimaha dastuurka gaar ahaan afarta cutub ee ugu horeysa.

Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta dastuurka ayaa mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka la wadaagay warbixinta cutubyada ay soo diyaariyeen,qeybaha ay ka koobanyihiin iyo sidoo kale habka ay usoo diyaariyeen in ka doodistooda loo wajaho.

Sida uu qabo xeerhoosaadka golaha shacabka maanta dood kama furmeyn marka laga reebo su’aalo ku aadan mabaadii’da guud waxaana qaar ka mid ah xildhibaanada labada aqal ay su’aalo weydiiyeen guddiyada arrimaha dastuurka ka shaqeynaya oo dhankooda ka jawaabayay su’aalaha la weydiinayay.

Waxyaabaha xildhibaanada qaar ay dooda ka qabeen ayaa ahayed wakhtiga lagu soo gaba gabeynayo ka doodista afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka oo ay qaarkood sheegeen In ay aad u koobantahay loona baahanyahay wakhti intaas ka badan maadaamaa dastuurku aad u muhiim u yahay.

Xildhibaannada labada aqalka ee BJFS oo ka dooday mabaadi’da guud ee cutubyadda dastuurka ayaa soo jeediyeen in la ilaaliyo waqtiga rasmiga ah ee loogu talagalay jadwalka dooda, waxaa ayna Xildhibaannadu tilmaameen in lala tashado bulshada qeybaheeda kala duwan, lana dhageysto aragtiyada wax galka ah ee ay soo gudbinayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta kulanka uu yahay mabaadi’da guud Xildhibaannada ay talooyinkooda muhiim tahay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dooda dastuurka ay bilaabaneyso kulanka xiga ee wadajirka ah.

Related Items


Leave a comment