Xulka Ivory Coast oo ku guulaysatay Koobka Qaramada Africa

Monday February 12, 2024 - 17:59:59
0 Comments
130
ahmed raajaa
AFRICA
Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Koobka Qaramada Africa, kaddib marki ay 2-1 uga badiyeen xulka Nigeria, ciyaarti kama danbeysta aheyd ee ka dhacday garoonka Al-Xasan Wattaara ee magaalada Abidjan.

Goolka guusha waxaa Ivory Coast u saxiixay Sebastien Haller ciyaarta oo ay dhammaadkeeda ka dhinneyd 9 daqiiqo. Sidaasi ayayna Xulka Maroodiyaasha ku hanteen koobki saddexaad ee Africa.

Xulka Nigeria ayaa goolka la hormartay qeybti hore ee ciyaarta, waxana madax ugu dhaliyay William Troost-Ekong, kaddib marki uu ka faa’iiday kubad uu u soo karoosay Samuel Chukwueze.

Hase yeeshee marti-geliyaasha tartanka ayaa ka daba-tagay, kaddib marki uu goolka barbarraha uu u dhaliyay laacibki hore ee AC Milan Franck Kessie.
 
Xulka Ivory Coast ayaa noqday dalki ugu horreeyay oo martigelinaya koobka qaada, tan iyo sannadki 2006-di, markaas oo ay Masar martigelisay kaddibna koobka ku guuleysatay.

Related Items


Leave a comment