Madaxweynaha JFS oo caawa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada muqdisho

Monday February 12, 2024 - 23:41:47
0 Comments
68
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgalaya xaaladda amni ee caasimadda dalka,isagoona caawa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho, madaxweynaha ayaa waqti la qaatay dad shacab ah oo ku sugnaa goobahaasi.

Xaalada indha-indheeynta madaxweynaha federalka somaaliya ayaan ahayn mid horay loo sii ogaa sida ila wareedyo ku ay sheegayaan.

Hase yeshee waxaa ay u egtahay fariin dublamaasi taas oo uu madaxweynaha ku qancinaayo beesha caalamka, isagoo tusaya in dalku nabdoon yahay, is!amarkaasna al shabaab la wiiqay.

Kadib dhacdadii askeri kamid ahaa ciidamada dalka uu ku laayay sarakiil u dhashay imaraadka iyo kuwa somaali ah, taas oo keentay in gudoomiyaha xisbiga ucid faysal Cali waraabe uu caalamka fariin u diro taas mujinaysa in aan DFS aan loola dhaqmin sidii dowlad oo kale.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment