Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay taliyaha ugu sarreeya ciidamada Talyaaniga

Tuesday February 13, 2024 - 23:03:31
0 Comments
74
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka oo uu ka qayb galay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment