Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan tacsiyeeyn ah la qaatay Danjiraha Imaaraadka u jooga Soomaaliya

Wednesday February 14, 2024 - 14:39:03
0 Comments
69
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xalay booqday Safaraadda Dwladda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan tacsiyeyn ah la qaatay Amb. Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Danjiraha Dalka Imaaraadka uga tacsiyadeeyay saraakiishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee Xerada Gen. Gordan kuwaas oo dalkeenna u joogay in ay gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka-sida.

Guddoomiye Sheekh Aaden Madoobe ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay garab istaagooda walaalnimo.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment