MADAXWEYNAHA JFS OO MAANTA  GAARAY MAGAALADA KISMAAYO EE  JUBBALAND

Wednesday February 14, 2024 - 15:28:29
0 Comments
52
ahmed raajaa
KISMAAYO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo, waxaa si diiran ugu  soo dhoweeyay Madaxweynaha D/goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenka maxamuud said aadan iyo xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda  ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

MEERAYSANE.COM

Related Items


Leave a comment