Madaxweynaha JFS oo faahfaahin ka bixiyey halka ay marayaan hawlgalada ka dhanka ah Khawarijta

Thursday February 15, 2024 - 13:53:23
0 Comments
51
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaanyo oo ah Caasimadda ku meel gaarka ah ee dowladda Gobolleedka Jubaland ayaa ka hadlay Guullaha laga gaaray la dagaalanka Khawaarijta,Madaxweynaha ayaa sheegay in hawlgalada looga sifaynayo dalka Khawaarijta guul fiican laga gaaray dhammaana badi laga xorreeyey deegaanadii ay Shacabka ku dhibaatayn jireen.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay halka ay marayaan hawlaha Dhamaystirka Dastuurka oo doodiisu hadda ka socoto Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyayadda Federaalka soomaaliya,Madaxweynaha ayaa xusay in dhamaystirka Dastuurku muhiimad weyn ugu fadhiyo xuquuq helida Shacabka Soomaaliyeed iyo hannaanka dowlad dhiska.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu faahfaahin ka bixiyey Safar uu ku tegi doono magaalada Addis ababa halkaas uu ay ka dhacayaan shirar kala duwan sida Shirka Midowga Afrika,Shirka Urur gobolleedka IGad iyo Shirka Dallada Bulshada Bariga Afrika,Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dhammaan shirarkan muhiim u yihiin Soomaaliya halkaana uu ka jeedin doono Fariinta Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan damaca Gurracan ee Dowladda Itoobiya ku hayso Madaxbanaanida Dhulleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment