Maamulka Gobolka Mudug iyo Ciidamada puntland oo ku Guulaystay soo qabashada dhagar qabayaal dil ka gaystay galkacyo

Friday February 16, 2024 - 15:36:10
0 Comments
69
ahmed raajaa
GALKACYO
Gudoomiyaha gobalka Mudug Mudane Faysal Shiikh jifi jabsade iyo xubno kale ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiigle yaashii dilka u gaystay ganacsade Ahmed Tahliil.

Maamulka gobalka Mudug, laamaha amniga iyo beesha ay ka soo jeedaan kooxda dilay ganacsadaha axmed tahliil ayaa dadaal badan ku bixiyeen in gacanta lagu soo dhigo.

Gudoomiyaha gobalka Mudug, Faysal Jifijabsade ayaa tan iyo xalay howshan u joogay degmada Bursaala.

Allaha u naxariistee waxa maanta oo Jimce ah lagu aasay qabuuraha magaalada Gaalkacyo meydka marxuumka oo shalay subax lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment