Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada adiss ababa ee dalka ethiopia

Friday February 16, 2024 - 21:18:51
0 Comments
59
ahmed raajaa
ETHOPIA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb geli Dona Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment