Madaxwynaha JFS oo qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia,

Saturday February 17, 2024 - 10:02:58
0 Comments
52
ahmed raajaa
ADIS ABABA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku bogaadiyay ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga dhabta ah iyo taageerada ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

Kulankan waxaa Madaxweynaha JFS kala qayb galay qaar kamid ah xubnaha wafdigiisa sida Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia iyo safiirada Jaamacadda Carabta ee Ethiopia.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxa uu Warbaahinta Qaranka uga waramay waxyaalihii looga arrinsaday kulankan, isagoona sheegay in kulankani uu muhiimad gaar ah u lahaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment