Qarax miino oo manta ka dhacay degmada luuq ee gobolka gedo

Saturday February 17, 2024 - 14:16:20
0 Comments
59
ahmed raajaa
DEGMADA LUUQ
Barqanimadii Maanta  ayaa qarax miino waxaa uu ka dhacay  degmada luuq ganaane ayaa waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahay sedex ruux, qaraxa ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago Remote Controol-ka, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Dad ku sugan Luuq ayaa tilmaamay in qaraxa oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada uu si gaar ah uga dhacay goob maqaayad ah.

iyadoo Isgaarsiinta magaalada oo markii hore hawada laga saaray ayaa dib usoo laabatay, saraakiisha ammaanka Luuq ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan qaraxa, ayna ku daba jiraan soo qabashada dadkii ka danbeeyay qaraxaasi.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment