R/Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo la kulamay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee Qaramada Midoobay

Sunday February 18, 2024 - 13:19:40
0 Comments
47
ahmed raajaa
Ethiopia
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa la kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee Qaramada Midoobay Jean-Pierre Lacroix, iyagoo kawada hadlay muhiimadda ay leedahay nabadda Iyo xasilloonida Soomaaliya Iyo guud ahaan geeska Africa.

Mudane Saalax Axmed Jaamac waxaa kulanka kala qayb galay Danjiraha JFS ee Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, La taliyaha Amniga Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Kamaal Daahir Guutaale iyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheikh.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo weftigiisa ayaa shalay ka qeyb galay kalfadhiga 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika, isagoo madasha shalay ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay, damaca gurracan ee Ethiopia iyo guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment