Gabar yar oo da'deeda lagu qiyaasay 13 sano jir oo sakay lagu kufsaday mid kamid xerada barakacayaasha garoowe

Sunday February 18, 2024 - 13:36:00
0 Comments
56
ahmed raajaa
GAROOWE
Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 13 sano jir ayaa saaka aroortii hore si arxan daran loogu waxyeleeyay sharafkeeda gabarnimo xero barakacayaal oo ku taalla bariga magaalada Garoowe.

Warka ayaa intaasi ku daraya in koox hubaysan oo ku lebbisan tuutaha ciidamada ay aroornimadii hore guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday gabadha yar.

Mashaqadaan ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo Jiingadda oo ka tirsan xeryaha barakacayaasha dhinaca bari ee magaalada Garoowe siday ay ku warameen illo wareedyo halaasi ku sugan.

isku soo duu duub waxaa aad u liidata xaalada caafimaad ee gabadhaa la kufsaday iyadoo loola cararay isbitaal ku yaalla Garoowe, kaas oo hada lagu tacaalayo xaaladeda caafimaad.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment