Maxkamadda G/Banaadir oo mudeysay dhageysiga Dacwadda eedeysane gubay xaaskiisa

Monday February 19, 2024 - 13:22:58
0 Comments
45
ahmed raajaa
MUQDISHO
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga Dacwadda ee Eedeysanaha la qaadi doono maalinta Arbacada ah Tariikhdana tahay 21/2/2024,saacddu markey tahay 09:00 Subaxnimo,Taliyaha Qeybta Baarista Dambiyada CID ayaa lagu wargaliyay in eedeysanaha uu xiligaa horkeeno maxkamadda.

Dhawaan ayay ahayd markii eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud uu xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Luul Cabdicasiis uu ku gubay degmada Dharkenley,maalmo kadibna ay u geeriyootay dhibaatada dabku u geystay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment