R/waraasaaha XFS oo faray hay'adaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dilka shaqaale ka tirsan Hay'adda Duulista Rayidka

Monday February 19, 2024 - 13:51:01
0 Comments
57
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan dhab ah ku saameeyaan, isla markaana ay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaasha ka danbeeyey dilkii muwaadin ka tirsanaa shaqaalaha Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo xalay meydkiisa laga helay gurigiisa, si caddaaladda loo horkeeno, isaga oo tacsi u diray ehellada iyo qoyska uu ka baxay marxuumka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray.

Meeraysane.com




Related Items


Leave a comment