Ciidamada police-ka degmada garoowe oo gacanta ku soo digay mid kamid ah eedeysanayashii kufsiga ugaystay gabar13-jir ah

Monday February 19, 2024 - 14:01:20
0 Comments
47
ahmed raajaa
GAROOWE
Ciidamada police-ka gobolka nugaal ayaa gacanta ku soo dhigay mid kamid ahaa eedeysanayaashii tacadia u gaystay gabar yar oo ka tirsanayd barakacayaasha kaamka jiinkada ee garoowe.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay mid kamida eedaysanayaal fal kufsiya ugaystay dhibanad Yasmiin mawlid cali 13 sano jir ah  Falkaas oo kadhacay kaamka jiingadda ee magalada Garoowe.

"Waxay ciidanku gacanta ku dhigeen mid kamida eedaysanayashii falkaas gaystay waxana lagu raad jiraa cid kasta oo falkaas ku lug lahayd waxana la horgaydonaa sharciga iyo maxkamada” ayuu yiri G/sare Maxamed Cali Marduuf.

Taliyaha qaybta boliska G/nugaal ayaa warbaahinta iyo bulshada u sheegay in cid kasta oo fal Denbiya gasha aysan marnaba  gacanta booliska iyo sharciga ka bax san doonin.

MEERAYSANE.COM

Related Items


Leave a comment