Mid Kamid ahaa Shaqaalaha hay'adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya oo xalay lagu dilay mqdisho

Monday February 19, 2024 - 14:21:11
0 Comments
51
ahmed raajaa
MUQISHO
Allaha u naxaariistee C/nasir Muuse Dahable, oo katirsanaa Shaqaalaha Hay'adda maamulka hawada ee dowladda Soomaaliya, oo Muqdisho ka hawl galayay ayaa xalay meydkiisa laga helay gurigii uu ka daganaa degmada wadajir ee Muqdisho.

Sarkaalkaas ayaa waxaa la sheegay inuu u geeriyooday jirdil loo geystay, inkastoo aysan jirin warar xaqiijin kara arrintaas.

ciidamada police-ka federalka Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida marxuumka ayaa sheegay in Lix Eedeysane loo soo xiray dilka Marxuum Cabdinaasir Muuse oo 32-jir ahaa, kaasi oo Meydkiisa laga helay hoygiisa.

kadib baritaan ay ciidamada police-ka ay sameeyeen ayna hayaan caddeymo laga helay goobta uu falku ka dhacay.

Marxuumka ayaa dhawaan kasoo laabtay waxbarasho dibada ah oo ku saabsan cilmiga Hagidda Hawada, isagoo horey uga mid ahaa Shaqaalaha ICAO qeybteeda Hargeysa.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment