Shirka 2-aad ee golaha mareeynta iyo horumarinta kaluumaysiga oo ka furmay kismaayo.

Tuesday February 20, 2024 - 14:39:21
0 Comments
61
ahmed raajaa
KISMAAYO
Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaar ka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Shirkaan oo ah kii labaad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, ka doodista xog uruurinta Kalluumeysiga dalka, Soo bandhigidda Qorasha 10ka sanno ee horumarinta Kalluumeysiga (10 years fisheries master plan), Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga, Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) iyo mudnaan siinta ilaalinta amniga badaha iyo la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa hadaljeedintiisa shirka ugu mahadceliyey Madaweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxmaed Islaam sida heerka sare ah ee uu martigaiyey shirkaan, waxaana uu sheegay in Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay mideynta dhammaan howlaha Kalluumeysi ee dalka.

Waxa uu intaa ku daray in Wasaaraddu ay aragti cad ka leedahay sida looga faa’ideysanayo mashaariic horumarineed iyo deeqaha caalamiga ah ee ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga iyo Hirgalinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Kalluumeysiga dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam khubad ka jeediyey furitaanka Shirkan ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu lee yahay Kalluumeysiga dalka isaga oo ku tilmaamay mid kamid ah ilaha dhaqaalaha ee ugu muhiimsan dalkeenna.

Waxa uu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in loo midoobo sidoo wax soo saar dhab ah looga sameyn lahaa Kalluumeysiga iyo kaa faa’ideysiga kheyraadka badda taas oo uu sheegay in bulshada Soomaaliyeed uga maarmi karaan deeqaha dibadda loogana gaashaaman karo abaaraha soo noqnoqday iyo saameynta taban ee Isbadalka Cimilada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay isku xirka shaqad dowladda ay kaalin wax ku ool ah ka qaadaneyso in Bulshadu ay helaan shaqo hufan iyo taageerada iyo garab istaagga ay uga baahan yihiin dowladdooda haddii ay ahaan lahayd heer federaal iyo heer dowlaha xubanaha ka ah dowladda Federaalka.

Related Items


Leave a comment