Somaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday dhammeystirka heshiis is afgarad (MOU) ee dhanka difaaca ah,

Tuesday February 20, 2024 - 21:50:07
0 Comments
49
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimi magaalada Muqdisho, iyada oo uu Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim.

Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda oo soo dhoweynta ka dib loo soo galbiyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur, madaxda kale ee Wasaaradda iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka XDS Janaraal Maadeey Nuureey Shiikheey, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday dhammeystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah, kaas oo labada dowladood ay 8-dii bisha Agoosto 2022-kii ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

DHAMMAAD

Related Items


Leave a comment