Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiska dowlada la gashay Turkiga

Wednesday February 21, 2024 - 17:02:04
0 Comments
47
ahmed raajaa
MUQDISHO
Kulan ay isugu yimadeen xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Ansixinta heshiiska labada dal ee turkiga iyo somaaliya ayaa ku soo aadaya xilli dadka iyo dowlada somaliya ay iska  difaacayaan damaca ethopia.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment