R/wasaarihii hore oo sheegay in Mucaarad iyo Muxaafad Madaxweynaha lagu garab istaagno heshiiska Turkiga

Thursday February 22, 2024 - 14:00:30
0 Comments
56
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cabdiwali Gaas ayaa ka hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda dalka ee sugidda amniga biyaha ay tahay mid xadidan, isla markaana heshiiskan uu wax badan ka qaban doono kaluumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedda.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in heshiiskan aan la siyaasadeynin, lana taageero madaxda dalka, si loo difaaco midnimada iyo qaranimada dalka, lagana hortago Khatar kasta.

"Soomaaliya waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, mana lahan awood ay isaga difaacdo burcad-badeedda, qashinka lagu daadiyo, iyo duulaan dibada kaga yimaada, arrimahaas ayaa abuuray baahida loo qabo in la raadiyo waddan aan walaalo nahay oo na caawiya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya aysan dooneyn inay iska horkeenaan Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya, isla markaana ay carqaladeeyaan Ammaanka Gobalka, isaga oo carabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay in laga hortago damaca Itoobiya.

Related Items


Leave a comment