Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS oo gaaray magaalada kismaayo ee xarunta kumeel gaarka jubbaland

Thursday February 22, 2024 - 14:18:28
0 Comments
87
ahmed raajaa
KISMAAYO

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay magaalada Kismaayo ee Caasimadda Ku-meel-gaarka ah ee Dawlad-Gobaleedka Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jubbaland Mudane Cabdishakur Sh. Maxamed Rashiid, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Nuuradiin Maxamed Khaliid iyo qeybo ka mid ah bahda Garsoorka ee Jubbaland.

Safarka guddoomiyaha, ayaa waxa ku wehelinaayey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaiman Maxamed Maxamuud, iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tobabarka Garsoorka Mudane Axmed Maxamuud Xasan, waxaana ujeedka safarkoodu uu daaran yahay ka qeyb-galka Shirka Golaha sare ee Machadka Tobabarka Garsoorka Soomaaliya oo ka qabsoomaya magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa, ayaa sidoo kale inta ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo, waxay u kuur-geli doonaan xaaladda guud ee Garsoorka Jubbaland, horumarada socda iyo caqabadaha horyaala intaba.

Related Items


Leave a comment