Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo wada hadallo la qaatay saraakiil ka tirsan dalka ingiriiska

Friday February 23, 2024 - 14:47:58
0 Comments
44
ahmed raajaa
LONDON- UK
Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo muhiim ah la qaatay Masuuliyiin  sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Dibadda, Xafiiska baasaboorka iyo Xarunta lagu daabaco baasaboorka ee dalka Uk.

Kulamada ayaa waxaa diiradda lagu saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, wadashaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo Horumarinta xirfadda saraakiisha HSJ.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay Hay’adaha dhiggeeda ah ee dunida, taas oo ujeedkeedu yahay in sare loogu qaado awoodda baasaboorka Soomaaliyeed iyo in laga wadashaqeeyo arrimaha socdaalka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment