Ciidanka police-ka soomaaliya oo faah-faahiyay nin la aftuubtay laguna dilay magaalada muqdisho

Friday February 23, 2024 - 15:39:05
0 Comments
72
ahmed raajaa
MUQDISHO
Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo la xariirta wiil dhalinyaro ah oo inta la afduubtay la dilay.

Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in la garanayo ragii ka dambeeyay afduubka iyo dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ee lagu magacaabi jiray Abuukar Axmed Kaabax oo ka mid ka ahaa dhalinyarada caanka ka ah degmada Heliwa ee magaalada Muqdisho.

Wiilka dhalinyarada ayaa habeen hore rag hubeysan ay ku afduubteen gaarigiisa xili uu ku sugnaa degmada Heliwaa, islamarkaana shalay laga helay meydkiisa deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

"Waxaa la garanayaa raggii dilay Abuukar, baaritaano ay sameeyeen laamaha amniga ayaa lagu ogaaday, waxaana ku raad jooga hey’adaha amniga, markii soo qabashadooda lagu guuleystana waxaa la hor keeni doonaa cadaaladda” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe.

Related Items


Leave a comment