Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga dalka oo dhoolatus ciidan uga qayb-galaya dalka kenya

Saturday February 24, 2024 - 14:01:02
0 Comments
45
ahmed raajaa
MUQDISHO
Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus Ciidan uga qeyb-galaya Dalka dibadiisa ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskaas ciidan ayaa ka dhacaya dalka Kenya waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan oo dowlada Soomaaliya ay qeyb ka tahay, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab.

Saraakiisha Ciidanka XDS ee garoonka ka sa gootiyay Ciidankan ayaa kula dardaarmay inay door wanaagsan soo qaataan, ayna sameeyaan bandhig ku qotoma tababarka iyo tayada wanaagsan ee Xoogga dalka oo iminka bilaabay la wareegidda amniga guud ee dalkeena.



Meeraysane.com










Related Items


Leave a comment