Banaanbax lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka dhacay

Saturday February 24, 2024 - 14:28:17
0 Comments
94
ahmed raajaa
MUQDISHO
Dibad bax balaaran oo uu soo qaban-qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay garoonka Ciyaaraha Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda.

Banaanbaxan ayaa lagu taageerayaa heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha, kaas oo uu dhawaan ansixiyay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, Arday iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa ka qeyb-qaadanaya Banaanbaxa, waxaana goobta ka muuqdo boorar ay ku xardhanyihiin xiriirka wanaagsan ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyey hogaamintiisa wanaagsan iyo heshiiska taariikhiga ah ee uu la galay dowladda Turkiga oo ah saaxiib la isku haleyn karo.

Madaxda goobta ka hadashay ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid fursad wayn u ah labada dal gaar ahaan Soomaaliya oo xiligan ku jirta marxalad ay u baahan tahay saaxiib sida Turkiga oo kale ah, waxayna sheegeen in damaca gurracan ee Ethiopia uusan marna ka hirgaleynin Soomaaliya.

Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah dadaalada dowladda ku bixineyso dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Turkiga waddan saaxiib iyo walaal ah oo lagu aamini karo iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimada iyo midnimadeenna dhuleed ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in heshiiskan uu qeyb ka qaadanaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.


Meeraysane.com 








Related Items


Leave a comment