Hay"adda dhowrista xogta oo xalay laga daahfuray magaalada muqdisho

Sunday February 25, 2024 - 13:54:21
0 Comments
44
ahmed raajaa
MUQDISHO
Munaasabad lagu Daahfuray Hay’adda Dhowrista Xogta ayaa xalay lagu qabtay Muqdisho, waxaana kasoo qayb galay wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo bulshada ka socday.

Maareeyaha Hay’adda Dhowrista Xogta Mudane Maxamed Axmed Cali oo ka hadlay Munaasabadda Daahfurka Rasmiga ee Hay’adda ayaa soo dhoweyn iyo mahadcelin kadib ayaa faahfaahiyay masuuliyadaha shaqo ee Hay’adda.

Maareeyaha ayaa sheegay in Hay’addu ay u xilsaaran tahay korjoogtaynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee kaydiya xogta gaarka ah ee dadwaynaha.

Xildhibaanada baarlamaanka gaar ahaan guddiga isgaarsiinta dalka ayaa sheegeen in ay kaalin weyn ka qaateen dhismihii hay’addaan ayaga oo xumay muhiimadda ay dalka u leedahay. Si lamid wasiirada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha gudaha, wasiirka Waxbarashada iyo tacsliinta sare, wasiirka Duulista hawada iyo Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada oo munaasibadda ka hadlay ayaa dhammaantoodba isku raacay iney wax badan ka bedeli doonto xogta haarka ah ee dadweynaha iyo tan dowladda ayna xiligii loogu baahi badnaa la daah-furay.

Meeraysane.com
 

Related Items


Leave a comment