Wasiirka Beeraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Xogahayaha Guddiga la dagaalanka ayaxa ee Hay'adda FAO

Monday February 26, 2024 - 14:32:20
0 Comments
45
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Mamoon Al Alawi oo ah Xogahayaha Guddiga la dagaalanka ayaxa ee Mandiqadda Dhexe ee Hay’adda FAO.

Kulan ayaa diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Guddiga iyo Soomaaliya ayadoo sare loo qaadaayo aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya la dagaalanka Ayaxa taaso qayb weyn ka noqon doonta sare u qaadida sugnaanta cuntada dalka.

Wafdiga uu hogaaminayay Xoghayaha ayaa u yimid in ay Soomaaliya kusoo dhoweeyaan madaxda saree ee Guddiga islamarkaana ay u kuur galaan xaaladda Ayaxa Soomaaliya.

Wasiir Maareeye aya Wafdigan kaga mahadceliyay Shaqada adag ay hayaan.

Soomaaliya ayaa gudigan ka mid noqatey sanankii 2023 waxaana xubin ka ah in ka badan 16 dal.

Related Items


Leave a comment