Xildhibanada 2-Aqal ee BFS oo dood labaad ka yeeshay Cutubka 2aad ee Dastuurka KMG

Monday February 26, 2024 - 19:08:52
0 Comments
41
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee  Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 18aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa goobjoog ahaayeen Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo ku xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa sii wadidda ka doodista soo jeedinnada wax ka beddelka Dastuurka KMG ah Cutubka labaad Qod. 10-aad illaa iyo 20-aad ayay Sanatarrada iyo Xildhibaannadu maanta dooddooda si gaara diiradda ugu saarnayd xorriyadda diinta, caqiiddada, sinnaanta, xuquuqda asaasiga ah iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen xorriyadda nabadgelinta qofnimada isla markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen gudniinka gabdhaha iwm.

Doodda cutubka labaad oo gashay maalinkii labaad ayaa waxaa aragtidooda ka dhiibtay ku dhowaad sideetan Xildhibaan oo dhammaantood si yaabo kala duwan uga hadlay qodobada cutubka labaad ee dastuurka KMG ah ee loo soo bandhigay, waxaana ka doodista cutubka labaad Qod.10-aad ilaa iyo 20-aad qorshaha shintirka ee ku cad habraaca doodaha Dastuurka KMG ah uu yahay in la la soo geba gebeeyo kulanka soo socda ee kualnkan ku xiga.

Related Items


Leave a comment