R/Wasaaraha XFS oo maanta daah furay munaasabadda Mabaadii'da Nabadda ee Soomaaliya

Wednesday February 28, 2024 - 13:47:31
0 Comments
51
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’isul wasaaraha XFS mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ku daahfuray caasimadda munaasabadda Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya”, waxaa uuna ka hadlay qiimaha ay nabaddu leedahay.

"Waxaan rajayanayaa in dhowaan ay soomaaliya noqoto meel loogu yimaado Nabad gelyada, Wadahadalka, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka”.

Mudane Xamse Barre, waxaa uu "Principles for Peace” uga mahad celiyay in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya. "Waxaad dhalateen Xilli caalamka ay cabsi badan ka jirto” ayuu yiri mudane Xamse oo sheegay in ka shaqeyntooda gudaha Soomaaliya ay soo kordhin doonto.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre waxaa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hormuud u tahay Arrimaha dib u heshiisiinta, ayna muhiim tahay is waafajinta howlaha nabadda ee socda.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in dadka madasha ku sugan oo meelo kala duwan ka kala yimid, dhaqammo kala duwanna leh hadana yoolkoodu uu yahay in nabad iyo xasillooni lagu dabbaalo Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

Mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa xusay in munaasabadda daahfurka Mabaadii’da Nabadda ee Soomaaliya ay kusoo aadayso iyada oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ay soo gabogabeysay Dib u eegista Hannaanka Dib u heshiisiinta Qaran, kaas oo la anisixiyay December sanadkii hore, dhowaanna la daahfurayo.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment