Madaxweynaha JFS oo magaalada Nairobi uga qaybgalaya shirweynaha isbadalka cimilada

Wednesday February 28, 2024 - 17:18:15
0 Comments
46
ahmed raajaa
NAIROBI
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo uu kala qeyb-galayo Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada oo lagaga arrinsanayo dhibaatada xooggan ee dalalka caalamka ayaa waxaa soo food saartay isbedelka cimilada, taas oo si gaar ah saameyn xooggan ugu yeelatay nolasha shucuubta dalalka soo koraya.

Madaxweynaha somaaliya ayaa khudbad ka jeedin doona shirkaas caalamiga ah, isagoona soo bandhigaya saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee cimilada, madaxweynaha ayaa muujin doona dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Dadka Soomaaliyeed oo ku howllan in ay iska dul-qaadaan argagixisada caqabadda ku ah noloshooda ayaa haddana waxay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, taas oo xoojinaysa in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada dunida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkaas, si uu xoojiyo doorka dalku ku leeyahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.



Meeraysane.com

 

Related Items


Leave a comment