Guddoomiyaha BFS oo kulan sagootin ah la qaatay danjiraha Turkiga u joogay Soomaaliya

Thursday February 29, 2024 - 13:20:13
0 Comments
68
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan sagootin ah kula qaatay danjiraha dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u joogay Soomaaliya, Mudane İbrahim Mete Yağli.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa safiirka ku ammaanay inta uu joogay daddaalladii diblomaasiyadeed ee uu ku bixiyey horumarinta iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dowladood, isagoona xusay in Dowladda Turkiga kaalin weyn ka qaateen dagaalka lagu jiro kooxaha Khawaariijta ah.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment