Wasiirka Caafimaadka XFS oo u hambalyeeyay Wasiirka Caafimaadka dalka Qadar

Friday March 01, 2024 - 18:35:09
0 Comments
49
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadam ayaa yiri”waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Qadar H.E Dr. Hanan Mohamed Al kuwari oo ku guuleysatey Wasiirka ugu wanaagsan aduunka.

Wasiirka ayaa xusay in abaalmarintaan ay muuineyso dadaalka gaarka ah ee ay wadaan Wasiirada Caafimaadka ee ku kala sugan daafaha dunida oo ay Soomaaliya ka mid tahay,isagoo yiri "tallaabadaan waxay  kor u qaadeysaa tayada shaqo ee hay’adaha dowliga iyo hirgalinta qorshayaasha lagu horumarinayo  bulshooyinka Caalamka.

"Waxaan u aragnaa dadaallada lagu dhiirigelinayo saraakiisha kale ee Dowladdaha iyo bixiyeyaasha adeegga Caafimaadka in ay yihiin kuwo    Kobcinaya hal-abuurka iyo kor u qaadista aqoonta iyada oo la tixgelinayo xaaladaha ku saabsan arrimaha caalamiga ah ee maanta iyo burrito ayuu hadaladiisa ku soo gabagabeeyay wasiirka caadifaadka XFS Mudane Cali Xaaji Aadam.

Related Items


Leave a comment