Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka wakiil ah madaxweynaha JFS ayaa qeybgalay aaska Madaxweynihii 2aad ee Tanzania

Sunday March 03, 2024 - 12:40:18
0 Comments
38
ahmed raajaa
TANZANIA
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jamac oo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu Jasiiradda Zanzibar ee  Jamhuuriyadda Tanzania uga qeybgaley munaasabadda aaska iyo tacsida Madaxweynihii 2aad ee Tanzania Allah ha u naxariisto Al Haji Ali Hassan Mwinyi oo geeriyooday maalintii Khamiista oo taariikhdu ay ku beegneyd 29 February.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan iyo shacabka Tanzania la wadaagey tacsi uu ka siday Madaxweyne Xaaan Sheekh Maxamuud.

Allah ha u naxariisto Al Haji Ali Hassan Mwinyi waxaa uu Tanzania Madaxweyne ka ahaa intii u dhexeysay 1985 ilaa 1995kii.

Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Related Items


Leave a comment