Taliska qaybta police-ka G/Banaadir oo sheegay in baarayo ciidamo rasaas ku furay Dad Shacab ah

Sunday March 03, 2024 - 12:46:54
0 Comments
39
ahmed raajaa
MUQDISHO
Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ay xireen ciidamo loo haysto in ay rasaas ku fureen Dad ku dibadbaxayay Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa tilmaamay in aanay Booliisku aqbali Karin in la dhibaateeyo Dadka rayidka ah, sidaas awgeed Hay’adaha awoodda u leh in ay baaraan loo gacangeliyay askarta la xiray si Maxkamad loo horgeyo qofkii kiis lagu helo.

Ciidamada ayuu Taliyaha uga digay in ay ku dhaqaaqaan falal ka baxsan howlaha loo xilsaaray ee ah sugidda amniga iyo dadka gaysta falalka liddiga ku ah Amniga dalka.

"Cid weliba ee xabbad ka ridday Dadkii bannaanbaxayay ee cabashada muujinayay waala xiray, Kiiskaas Baaris ayaa loo diray, haddii alle idmo waxa aan rajayneynaa in Garsoorka & Maxkamaddu ku dhammaato”sida ayuu yiri  Taliye Macalin Mahdi

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin
u diray Dadka dibadbaxyada dhiga ee xirta waddooyinka ama dhaawaca u gaysta laamiga waxaana uu sheegay in aanay marnaba la aqbali doonin falalkaas maadaama jidka oo la xiro ay ka dhalanayso xayiraad & dhibaato soo gaarta Bulshada.




Related Items


Leave a comment