Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka Socday Hay'adda Cuntada Q/ Midoobay

Monday March 04, 2024 - 16:50:34
0 Comments
37
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS oo kulan la qaatay Wafdi ka Socday Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ( FAO )

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada midoobe ee(FAO) waxaana hoggaaminayey Mudane Etienne Peterschmitt oo ah Agaasimaha Xafiiska FAO ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya wasaaradda iyo hey’adda FAO, iyo dardargelinta mashaaricda horutabinta u leh horumarinta xoolaha, dhirta iyo daaqa.

Related Items


Leave a comment