Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo tilmaamay in wasaaradiisa ay dajisay qorshe dhab u heshiisiin loogu sameynayo Bulshada

Monday March 04, 2024 - 16:59:13
0 Comments
39
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shirka aragti wadaagga ee Machadka Heritage oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddiisu dejisay qorshe dhab u heshiisiin loogu sameynayo Bulshada, kaas oo la daah-furayo marka laga baxo bisha Ramadaan ee foodda nagu soo hayso.

Sidoo kale, wasiirka ayaa tilmaamay in la dhammeystiray qorsheyaal qoto dheer oo wax lagaga qabanayo khilaafyada iyo ka hortagooda, kuwaas oo hadda soo dhammaaday laguna qoray labada luqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriiska.

Wasiir Fiqi, oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in hannaankan dhab u heshiisiinta, wadatashi lagala sameeyay dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo maamul gobolleedyada dalka.

” Wadatashi ururada Bulshada rayidka iyo dhammaan iyo dowlad gobolleedyadaba, hannaankaas lix tiir buu ka kooban yahay, wuxuuna koobayaa dhammaan tallaabooyinka la qaadayo, waxaana ku dhex lifaaqan oo iyaduna la diyaariyay qorshaha fulinta hannaanka dhab u heshiisiinta qaran oo ka kooban in ku dhow labo boqol oo tallaabo oo lagu hirgelinayo hannaankaas,’ ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa u mahadceliyay machadka Heritage,isagoo rejeeyay muddada labada cisho ah ee uu shirka socda inuu guul ku soo idlaado.

Related Items


Leave a comment