Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal

Tuesday March 05, 2024 - 13:24:39
0 Comments
46
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee galbeedka Aasiya, waqooyiga iyo bariga Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Hindiya Dr; Sureh Kumar.

kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal ee dhinacyo badan leh, iyada oo si gaar ah loo dul istaagay horumarrrada ay ku tallaabsatay Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen safiirkeena dalka India Axmed Cali Daahir iyo xubno ka socday Wasaaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa waxaa aad loogu falanqeeyay dhibaatada muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan visaha dalka Hindiya oo ay u aadaan dalalka deriska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa soo jeediyay in adeegga visaha loo soo dhoweeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaadka iyo waxbarashada dalkaas u aada, loona keeno magaalada qunsuliyad ay ka dalbadaan visaha.

Wafdigan ayaa maalmaha ay joogaan Muqdisho waxa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment