Duqa Muqdisho oo furay kulan looga hadlaayo soo jeedinta ku aaddan dhameystrika Dastuurka

Tuesday March 05, 2024 - 13:38:44
0 Comments
48
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay kulan looga hadlayo soo jeedinta ku aaddan dhameystrika Dastuurka Afartiisa cutub ee ugu horreeyso, kaasi oo ay ka doodayaan guddi uu dhowaan magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona soo diyaarinta xulashada ugu wanaagsan ee ku habboon Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho iyo in Bulshada Gobolka Banaadir loo bandhigo soo jeedinta ku aaddan dhameystrika Dastuurka Afartiisa cutub ee ugu horreeyo, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan.

Natiijada ka soo baxdo doodaha farsamo ee guddigani iyo talooyinka laga soo aruurin doono shacabka Caasimadda ayaa lala wadaagi doonaa guddiyada dastuurka iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka si ay ugu saleeyaan go’aan ka gaarista dhameystirka dastuurka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment