R/wasaaraha XFS oo tilmaamay in Weli rajo ka qabaan Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaakii ay la gashay Somaliland.

Tuesday March 05, 2024 - 22:03:28
0 Comments
46
ahmed raajaa
MUQDISHO
R/wasaaraha  XFS oo hadalayay shirka aragti wadaaga ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si dhab ah loo heshiiyo oo soomaalidu wada heshiiso.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sidoo kale sheegay in ay rajo ka qabaan in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay hoggaanka maamulka Soomaaliland, isagoo xusay in ay danaynayso Soomaaliya nabad ku wada noolaasho.

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee macadka cilmi barista Heritage ayaa intaa ku daray in ka dowlad ahaan marnaba aysan aqbalayn in lagu xad gudbo madax bannaanida Soomaaiya.

Ra’iisul wasaare Xamse” Wali waxaan rajo ka qabnaa in Ethiopia ay ka noqo doonto MOU ga aan sharciga ahayn, anaga waxaa naga go’an in dariskeena aan kula noolaano Nabad laakiin ma aqbaleyno ku xadgudubka Madaxbanaanideena”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ku dheeraaday caqabadaha gobolka ka jira oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka kooxha argagixisada, abaaraha, daadadka, taas oo ay kusoo biirtay damac shisheeye, taas oo looga bixi karo heshiis bulsho iyo xoojinta dowladnimada.

Related Items


Leave a comment